Apple ayaa noqotay shirkaddii ugu horreysay ee adduun dhan 3 tiriliyan oo doolar samaysa.

 Apple ayaa noqotay shirkaddii ugu horreysay abid ee sameysa 3 tiriliyan oo doolar, qiimaha Apple aad ayuu u cajiib badan yahay marka loo eego sida degdegga ah ee uu dhawaan u kobcay. Bishii Ogosto 2018, Apple waxay noqotay shirkaddii ugu horreysay ee Maraykan ah ee abid qiimaheedu dhan yahay $1 trillion, guushaas oo qaadatay 42 sano. Waxay kor u dhaaftay $2 trillion laba sano ka dib. Trillion-keeda xiga waxay qaadatay 16 bilood iyo 15 maalmood oo keliya.

Usbuuci hore saamiyada shirkadu waxay kor u kacday boqolkiiba 3. $182.86, taasoo ka soo gudubtay heerkii ugu dambeeyay,$ 182.01. Apple oo ah shirkaddii ugu horreysay ee gaarta $3 trillion, ayaa kor u qaadday kalsoonida maalgashadayaasha ee ah in shirkadda iPhone samaysa ay sii wadi doonto soo saarista alaabada iibka badan, iyada oo sahaminaysa suuqyo cusub sida baabuurta iswada iyo virtual reality.

 Apple ayaa si kooban u lumisay taajkeedi shirkadda ugu qiimaha badan adduunka dhamaadkii bishii Oktoobar 2021, laakiin bishii Nofembar ayay dib u soo celisay taajkii.  Kaliya shirkado yar ayaa qiimahoodu ka badan yahay $1 trillion, oo ay ku jiraan Tesla iyo Amazon, Google Alphabet iyo kooxda saliida ee Saudi Aramco  oo qiimaheedu yahay ilaa $2 trillion, halka qiimaha suuqa ee Microsoft uu yahay $2.5 trillion.

Apple ayaa heshay natiijooyin dakhli xoog leh tan iyo bilawgii Covid19, maadaama badeecadeeda iyo adeegyadeedu baahi weyn loo qabay maadaama dadku ay aad ugu isticmaaleen shaqada, waxbarashada iyo isdhexgalka. Kadib dhimashadii Steve Jobs 2011 waxa shirkada hogaankeeda qabtay Tim Cook, Apple waxa ay si aad ah u kordhisay dakhligeeda iyo horumaradeeda guud. Apple waxay dooneysa inay sii xoojiso guusheeda 2022, iyada oo alaabooyin badan oo kala duwan lagu xamanayo in la bilaabayo, oo ay ku jiraan ugu yaraan shan Macs oo cusub, iPad Pro dib loo habeeyay lehna jaajar wireless ah , jiilka labaad ee AirPods Pro, gameska, isgaarsiinta, iyo in ka badan.

Whatsapp: +252615331780

Fb, and Tw : Yusuf Sodal

Comments

  1. Waaaaw masha allah run ahaantii waan kaaaga mahadcelinaa warbixintaa wanaagsan oo wax badan aan ka faaiday maadama aad galisay waqti mahadsanid noo soobadina ustaad jazakalahu qeyran

    ReplyDelete
  2. Masha allaah yusuf socdal ku dayasho ayaad mudan tahay aad ayaa u mahadsan tahay sida fican aad inala wadaagtey

    ReplyDelete
  3. Masha allah, hab qormeedkaga tafatiran waa mid xiiso leh

    Dadaal wacan

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Dagaalka AI-da ayaa bilowday: DeepSeek vs ChatGPT; yaa guuleysan doona?

EVCPlus 10 sano iyo adeeg lacag la’aan ah kadib lacag miya laga dhigi?

Sanadkaani waxaa xajiyay tiro dhan 1,845,045 Ka Boggo xaqiiqooyinka ku saabsan Xajka 1444