Apple ayaa noqotay shirkaddii ugu horreysay ee adduun dhan 3 tiriliyan oo doolar samaysa.
Apple ayaa noqotay shirkaddii ugu horreysay abid ee sameysa 3 tiriliyan oo doolar, qiimaha Apple aad ayuu u cajiib badan yahay marka loo eego sida degdegga ah ee uu dhawaan u kobcay. Bishii Ogosto 2018, Apple waxay noqotay shirkaddii ugu horreysay ee Maraykan ah ee abid qiimaheedu dhan yahay $1 trillion, guushaas oo qaadatay 42 sano. Waxay kor u dhaaftay $2 trillion laba sano ka dib. Trillion-keeda xiga waxay qaadatay 16 bilood iyo 15 maalmood oo keliya.
Usbuuci hore saamiyada shirkadu waxay kor u kacday boqolkiiba 3. $182.86,
taasoo ka soo gudubtay heerkii ugu dambeeyay,$ 182.01. Apple oo ah shirkaddii
ugu horreysay ee gaarta $3 trillion, ayaa kor u qaadday kalsoonida
maalgashadayaasha ee ah in shirkadda iPhone samaysa ay sii wadi doonto soo
saarista alaabada iibka badan, iyada oo sahaminaysa suuqyo cusub sida baabuurta
iswada iyo virtual reality.
Apple ayaa heshay natiijooyin dakhli xoog leh tan iyo bilawgii Covid19, maadaama badeecadeeda iyo adeegyadeedu baahi weyn loo qabay maadaama dadku ay aad ugu isticmaaleen shaqada, waxbarashada iyo isdhexgalka. Kadib dhimashadii Steve Jobs 2011 waxa shirkada hogaankeeda qabtay Tim Cook, Apple waxa ay si aad ah u kordhisay dakhligeeda iyo horumaradeeda guud. Apple waxay dooneysa inay sii xoojiso guusheeda 2022, iyada oo alaabooyin badan oo kala duwan lagu xamanayo in la bilaabayo, oo ay ku jiraan ugu yaraan shan Macs oo cusub, iPad Pro dib loo habeeyay lehna jaajar wireless ah , jiilka labaad ee AirPods Pro, gameska, isgaarsiinta, iyo in ka badan.
Whatsapp: +252615331780
Fb, and Tw : Yusuf Sodal
Waaaaw masha allah run ahaantii waan kaaaga mahadcelinaa warbixintaa wanaagsan oo wax badan aan ka faaiday maadama aad galisay waqti mahadsanid noo soobadina ustaad jazakalahu qeyran
ReplyDeleteWaad ku mahadsantahay Yusuf So'dal.
DeleteMasha allaah yusuf socdal ku dayasho ayaad mudan tahay aad ayaa u mahadsan tahay sida fican aad inala wadaagtey
ReplyDeleteMahadsanid
ReplyDeleteApple wa ay talaabsatay
ReplyDeleteMasha allah, hab qormeedkaga tafatiran waa mid xiiso leh
ReplyDeleteDadaal wacan