Sanadkaani waxaa xajiyay tiro dhan 1,845,045 Ka Boggo xaqiiqooyinka ku saabsan Xajka 1444

 


Xajka wa tiirka 5 aad ee tiirarka islaamka, xajka waxa uu ka dhaca magaalada barakeysan ee Makka, waxa uu socdaa 5 maalmood oo ka bilaabato 9 ka ilaa 13 bisha Dul Xaj (Carafo). Xajka waxa uu waajib ku yahay inu xajiyo qof walba oo muslim ah oo leh awood dhaqaale iyo caafimaad  noloshiisa mar, waana hamiga ugu sareeyo ee uu leeyahay qofwalba oo muslim ah inta uu noolyahay.

Hay’ada Isgaadhsiinta Caalamiga ah ee Sucuudiga ee losoo gaabiyo (CIC)  aya waxa ay soo bandhigtay xogo kooban oo ku saabsan sida uu u qabsoomay xajka sanadkaan

Aan ku bilowne sanadkaani waxaa xajiyay tiro dhan 1,845,045 ( Hal Milyan, Sideed boqol iyo Afartan shan kun iyo Afartan iyo shan qof)  kuwaaso ka kala yimid 150 wadan.

1,660,915 xujey ah ayaa ka yimid caalamka, halka Sacuudiga dhexdiisa ay ka soo xajiyeen 184,130 qof.

Waxa Rag ahaa sanadkaan 969,694 halka dumarkuna ay ahayeen 875,351

21% waxa ay kaso xajiyeen wadama Carabta, 63.5% waxa ay kaso xajiyeen wadamada Asia ee aan Carabta ahayn, 13.4% waxa ay kaso xajiyeen qaarada afrika gaar ahaan kuwa aan Carabta ahayn,  2.1% waxa ay kaso xajiyeen Yurub, labada Amerika iyo Australia.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sanadkaani si heersare ah u agaasintay munaasabada xajka, waxa y soo kordhiyeen adeegyo cusub sida Qariidad si sahlan u jiheysa Xujeyda, Kaarar Smart ah, 9,00 Mootooyin koronto ku shaqeeya, iyo Wadooyin qaas u ah dadka naafada ah.

Xujeyda sanadkan waxa u diyaar ahaa 140 xarumo caafimaad, 32 isbitaalo dhameystiran oo leh 6,132 sariir. Waxa heegan ku jiray 190 ambalaas iyo 16 gawaarida ambalaasta ah ee leh qalabka gargaarka degdega oo dhameystiran.

Marki la joogay agagaarka buurta carafaat waxa la qaybiyay100,000 oo dalado, cuntooyin fudud, cabitaano iyo hadiyado kala duwan. Inta uu socday gudashada acmaasha xajka wasaarada ganasiga aya qaybisay inka badan 73 milyan cuntooyin sijilan ah.

Ugu danbeyn Boqortoyada Sacuudi Carabiya aya waxa ay la jaanqaadeysa caalamka tiknoolojiyada waxa ayna balaarinayaan aadna u horumarinayaan sandwalba dhismooyinka Xajka si uu noqdo safarka gudashada waajibka Allah ee Xajka mid sahlan marnaba aanan lahayn cariiri, isbuurasho, iyo nidaam xumo.

WQ: Yusuf Sodal

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Dagaalka AI-da ayaa bilowday: DeepSeek vs ChatGPT; yaa guuleysan doona?

EVCPlus 10 sano iyo adeeg lacag la’aan ah kadib lacag miya laga dhigi?