Sanadkaani waxaa xajiyay tiro dhan 1,845,045 Ka Boggo xaqiiqooyinka ku saabsan Xajka 1444
Xajka wa tiirka 5 aad ee
tiirarka islaamka, xajka waxa uu ka dhaca magaalada barakeysan ee Makka, waxa
uu socdaa 5 maalmood oo ka bilaabato 9 ka ilaa 13 bisha Dul Xaj (Carafo). Xajka
waxa uu waajib ku yahay inu xajiyo qof walba oo muslim ah oo leh awood dhaqaale
iyo caafimaad noloshiisa mar, waana
hamiga ugu sareeyo ee uu leeyahay qofwalba oo muslim ah inta uu noolyahay.
Hay’ada Isgaadhsiinta
Caalamiga ah ee Sucuudiga ee losoo gaabiyo (CIC) aya waxa ay soo bandhigtay xogo kooban oo ku
saabsan sida uu u qabsoomay xajka sanadkaan
Aan ku bilowne sanadkaani
waxaa xajiyay tiro dhan 1,845,045 ( Hal Milyan, Sideed boqol iyo Afartan shan
kun iyo Afartan iyo shan qof) kuwaaso ka
kala yimid 150 wadan.
1,660,915 xujey ah ayaa
ka yimid caalamka, halka Sacuudiga dhexdiisa ay ka soo xajiyeen 184,130 qof.
Waxa Rag ahaa sanadkaan
969,694 halka dumarkuna ay ahayeen 875,351
21% waxa ay kaso xajiyeen
wadama Carabta, 63.5% waxa ay kaso xajiyeen wadamada Asia ee aan Carabta ahayn,
13.4% waxa ay kaso xajiyeen qaarada afrika gaar ahaan kuwa aan Carabta
ahayn, 2.1% waxa ay kaso xajiyeen Yurub,
labada Amerika iyo Australia.
Boqortooyada Sacuudiga
ayaa sanadkaani si heersare ah u agaasintay munaasabada xajka, waxa y soo
kordhiyeen adeegyo cusub sida Qariidad si sahlan u jiheysa Xujeyda, Kaarar
Smart ah, 9,00 Mootooyin koronto ku shaqeeya, iyo Wadooyin qaas u ah dadka
naafada ah.
Xujeyda sanadkan waxa u
diyaar ahaa 140 xarumo caafimaad, 32 isbitaalo dhameystiran oo leh 6,132
sariir. Waxa heegan ku jiray 190 ambalaas iyo 16 gawaarida ambalaasta ah ee leh
qalabka gargaarka degdega oo dhameystiran.
Marki la joogay agagaarka
buurta carafaat waxa la qaybiyay100,000 oo dalado, cuntooyin fudud, cabitaano
iyo hadiyado kala duwan. Inta uu socday gudashada acmaasha xajka wasaarada
ganasiga aya qaybisay inka badan 73 milyan cuntooyin sijilan ah.
Ugu danbeyn Boqortoyada
Sacuudi Carabiya aya waxa ay la jaanqaadeysa caalamka tiknoolojiyada waxa ayna
balaarinayaan aadna u horumarinayaan sandwalba dhismooyinka Xajka si uu noqdo
safarka gudashada waajibka Allah ee Xajka mid sahlan marnaba aanan lahayn
cariiri, isbuurasho, iyo nidaam xumo.
WQ: Yusuf Sodal
๐๐❤️❤️
ReplyDeleteAlle hanaga dhigo kuwo tago xajka
ReplyDeleteXajka wa riyadeyda
ReplyDelete