EVCPlus 10 sano iyo adeeg lacag la’aan ah kadib lacag miya laga dhigi?




Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ah shirkada hogaamisa suuqa isgaarsiinta Soomaaliya ayaa u dabaaldageyso sanad guurada 10aad ee adeeggeeda EVC Plus (Electronic Virtual Cash).

EVC plus oo ah adeeg u ogolaanaya macaamiisha Hormuud inay ku diraan kuna helaan lacag mobilkooda. Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya EVC Plus waxa uu ka yahay adeegyada ay bulshada iyo ganacsigooda maalinlaha ku tiirsanyihiin.

Inta badan dhaqdhaqaaqyada ganacsi ayaa hadda adeegan u isticmaala habka lacag bixinta oo ay ku jiraan biilasha, biyaha, korontada, waxbarashada, caafimaadka, iyo gadiidka, waxaa si weyn u aqbalsan oo qaatay qaybaha kala duwan ee dadweynaha.

Shirkada Hormuud ayaa inta badan u dirto fariin qoraallo macamiisheda taaso lagu ogeysiinayo qiima dhimis, ogeysiis adeegyo cusub, hambaliyeynta ciidaha ama dabbaaldeg sanad guuro adeeg oo ay shirkada leedahay, hadaba  dhawaan shirkada Hormuud ayaa bilaawday u dabbaaldegista sanad guuradii 10aad ee Adeega EVC Plus.

Fariinta dabbaaldega sanadguurada10aad ee EVC ayaa ka dhex dhalisay bulshada doodo iyo waydiimo badan qofkasta oo aqriya fariinta u qoran sida tan “EVCPLUS 10 sano iyo adeeg lacag la’aan ah” ayaa markiiba qofka la joogo uu waydiinaya in Hormuud ay Lacag ka dhigeyso adeegeeda iyo inkale waxa jira suaalo kale oo ay ka mid yihiin:

·        Maxay ula jeedaan fariinta ah EVCPLUS 10 sano adeeg Lacag la’aan ah?

·        Miyey Hormuud qidmada EVC’ga lacag ka dhigayaan?

·        Ma sanadka cusub ayay Lacag ka dhigayaan?

·        Waa maxay fariimaha qiima dhimista ah ee lagu lifaaqay 10 sano adeeg Lacag la’aan ah?

Hadaba suaalahaasi ma aha kuwu jawaabtooda si saxan ay u heli karaan bulshada waqti xaadirkaani sababto ah majirto  xog dhab ah ka bixisay shirkada mana la sadaalin karo waxa ay shirkada ka yeeli doonto adeegeeda EVCPLUS.

Ugu danbeyn adeegga EVCPlus waa adeeg ay dadku ku tiirsan yihiin waqti walba, hadii adeeggaani wax lagu soo kordhiyo ama laga dhimo ay bulshadu si iskumid ah uga falciliso.


Gmail:Yuusocdal@gmail.com

Twitter/Facebook: Yusuf Sodal

Whatsapp:+252615331780


Comments

  1. Sxp Socdaal Waa Sax Adeegan Waa Adeeg Laf Dhabar U Ah Bulshada Soomaliyeed Hadiise Shirkada Ay Is Bedel Ku Sameyso Dhaman Waa Laga Falcelin Doonaa Ee Is Bedel Bulshada Faa'ido Uleh Alle Haka Yeelo I.A

    ReplyDelete
  2. Waa macquul in ay lacag ka dhigaan, laakiin E-dahab ayaan u guureenaa anagana😀

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Dagaalka AI-da ayaa bilowday: DeepSeek vs ChatGPT; yaa guuleysan doona?

Sanadkaani waxaa xajiyay tiro dhan 1,845,045 Ka Boggo xaqiiqooyinka ku saabsan Xajka 1444