Dagaalka AI-da ayaa bilowday: DeepSeek vs ChatGPT; yaa guuleysan doona?
Maalmo yar ka dib markii la sii daayay, waxaan tijaabiyay DeepSeek R1, kaas oo ah moodel cusub oo AI ah oo Shiinaha sameeyay, lana tartamaya ChatGPT.
Hadaba
Waa Maxay DeepSeek R1, waa moodel
AI ah oo ay sameysay shirkadda cusub ee DeepSeek, taas oo uu aas aasay Liang
Wenfeng sanadkii 2023. Liang wuxuu hore u maamulayay shirkad maalgashi oo
isticmaalaysay AI si loo falanqeeyo xogaha dhaqaale. Hadda, kooxdiisu waxay
diiradda saartaa cilmi-baarista AI.
Maxaa
Ka Dhigaya DeepSeek R1 Mid Gaar Ah?
- Qiimo Jaban,
Waxaa lagu horumariyay oo kaliya $6 milyan, taas oo aad uga jaban ChatGPT,
oo ku kacday boqolaal milyan oo doollar.
- Isha Furan (Open Source), DeepSeek R1 waa mid qof walba isticmaali karo,
wax ka beddeli karo, ama horumarin karo si bilaash ah. Dhanka kale, ChatGPT
waxaa si gaar ah u maamusha shirkadda OpenAI.
- Awood Maskaxeed Oo Sare
- Aad buu ugu fiican yahay xallinta suaalaha xisaabta,
barnaamijyada coding, iyo hannaanka
falanqaynta.
- Wuxuu ku garaacay ChatGPT tijaabooyinka sida tartamada
xisaabta (AIME) iyo xalinta barnaamijyada (Codeforces).
- Guusha Caalamiga ah,
Iyadoo ay jiraan xayiraadaha Mareykanka ee ku saabsan chip-yada AI,
haddana DeepSeek R1 wuxuu noqday mid hormuud ka ah caalamka, taas
oo muujinaysa awoodda sii kordheysa ee Shiinaha ee AI.
DeepSeek R1 waxay muujineysaa horumarka weyn ee Shiinaha ku sameeyey dhinaca AI, iyadoo leh astaamo sida qiimaha jaban, isha furan, iyo awoodda falaqaynta. Moodelkan wuxuu u yahay doorasho wanaagsan dadka raadinaya AI la awoodi karo oo hufan.
Waxaa si gaar ah loo ammaanaa awoodda DeepSeek R1 ee koodh-sameynta, xirfadaha xallinta dhibaatooyinka, iyo naqshad hal-abuurnimo leh, taasoo ka dhigaysa mid ka awood badan tartamayaasha waaweyn sida ChatGPT.
Sxb Socdaal runti si qurux badan oo sahlan ayad Xogta Deepseek nogu shegtay alle haka abaal mariyo
ReplyDeleteM.a si fiican ayad noogu sharaxday Deepseek oo weliba fudud
ReplyDelete"I am happy to see a website discussing news intelligence and updates, keeping us informed. Thank you."
ReplyDeletemasha allah si wacan baa inagu falaqeesay ustaad jazakallah khayr lkn ustaad waxaan kuweydinaa qodobka labaad ee ah Isha Furan (Open Source), DeepSeek R1 waxaa dhahday wu ka sahlan yahay CHATGPT oo DeepSeek waxaa rabted baa ku darsani ama kabeli kartaa qodobkaan waxaa jeclaan lahaay in inu faahfaahiso tusaale qaabka qofka wax ka badeli kara isaga adeegsanaya waaya aragnamadiisa taa waan fahmay lkn mar kale qodobkaa in tafaatir dheerad ah inagu sameysaa jeclaan lahaay
ReplyDeleteAmazing explanation
ReplyDeleteShukrn Ustad tas waxa ay Caden u tahy in laga qeyb gali karo tartankaas 🫡
ReplyDeleteWaan falanqeyn kooban oo ad u nuxur Balaaran adbaa ugu mahdsantahy
ReplyDeleteSi hormarsan bad uso koobty thanks 👍🏻
ReplyDeleteMasha,Allah tabarakallah ustaad socdaal si fiican ayaad noogu macneysay waxa ay tahay DEEPSEEK,AI mahadsanid kun iyo kow jeer
ReplyDeleteM.a wa Hormar wanagsan o dhanka Ai da ah lkn magaarsisana GhatGPT marka laga fiiriyo dhanka Fahanka su’aasha iyo Sogaabinta jawabta
ReplyDeleteSi fudud oo kooban baa nofahansisay ustaad jasakalah
ReplyDeleteVery nice information bro, meesha ka sii wad wa kugu dhiiri gilinaa wax qoritaanka. Dadkeyna wax ma qoraan waxna ma aqriyaan. Mahadsandi sxb.
ReplyDelete