Maha Sir Mo Farah waa Sir Xuseen Cabdi Kaahin
Xiddigga Olombikada ayaa BBC-da u sheegay in ay u bixiyeen magaca Maxamed Faarax qolodi ka soo Kaso kaxeyeen Jabuuti ee keenay UK. Magaciisa dhabta ah waa Xuseen Cabdi Kaahin.
Isaga oo sagaal jir ah ayaa laga soo duuliyay waddanka
Jabuuti waxaana la geeyay UK, waxa ka shaqesay howshaasi haweenay aanu waligeed
la kulmin, ka dibna waxa laga dhigay in uu daryeelo carruur qoys kale dhalayn,
filim dokumentari ah oo ay diyaariyeen BBC-da iyo Red Bull Studios, oo lasii
daayey Arbacadii, ayuu ku sheegay in waalidkii aanay waligood tagin UK, hooyadiis
iyo laba walaalo ah ayaa ku nool beer qoyskooda oo ku taal gobolka waqooyi
galbeed ee Soomaaliya.
Aabihii, Cabdi, waxaa dhimashadiisu sababtay rasaas habow ah isagoo Sir Mo ahaa afar sano jir. Dhowrkii sano ee ugu horeysay qoysku uma oggolaan inuu aado iskuul, laakiin markuu ahaa 12 jir wuxuu iska diiwaan geliyay Feltham Community College. Shaqaalaha ayaana loo sheegay in Sir Mo uu ahaa qaxooti ka yimid Soomaaliya.
Macallimadisii hore Sarah Rennie ayaa BBC-da u sheegtay in uu dugsiga yimi isagoo daryeel la’aan xooga ka muuqato iyo in uu ku hadli jiray Ingiriisi aad u yar.
Macallinkisi Physical Education wuxuu la xiriiray
social service’ka wuxuuna ka caawiyay Sir Mo in ay koriyaan qoys kale. Sir Mo
waxa uu bilaabay in uu magac ku yeesho ciyaaraha fudud isaga oo 14 jir ah waxa
lagu martiqaaday in uu u tartamo dugsiyada Ingiriiska tartan ka dhacay Latvia balse
ma aanu haysan wax dukumeenti socdaal ah.
Mr Watkinson waxa uu ka caawiyay in uu ku codsado
dhalashada Ingiriiska isagoo wata magaca Mohamed Farah, taasoo la siiyay July
2000.
Ugu danbeyn Sir Mo waxa uu sheegay in uu doonayo in uu
sheekadiisa ka sheekeeyo si uu uga hor tago aragtida dadweynaha ee ka ganacsiga
muqalasnimada iyo addoonsiga.
WT:
Yusuf Sodal
Very Inspiration story
ReplyDeleteThanks Yusuf Sida nogu so gudbisay Cinwaan kaan muhiim ka ah walaal
DeleteThanks mr y. Socdal waxaan rajeynaa in laga faaidi doono hadalkaaa sir Mo oo ah in leyska daayo muqalasnimada iyo adoonsiga
ReplyDeletewa cajiib
ReplyDelete