Baabuurta shidaalka iyo naftada ku shaqeeya ayaa laga yaabaa in laga mamnuuco Yurub 2035.
Midowga Yurub ayaa soo jeediyay mamnuucid wax ku ool ah oo ku saabsan iibinta baabuurta cusub ee batroolka iyo naftada laga bilaabo 2035, iyada oo ujeedadu tahay in la dedejiyo u beddelashada baabuurta korontadu ku shaqeysa taasoo qayb ka ah olole balaaran oo lagula dagaallamayo isbeddelka cimilada.
Joojinta
baabuurka shidaalka waxaa mararka qaarkood loo yaqaan mamnuucida ICE (internal
combustion engine ban) Wadamo badan ayaa qorsheynaya mamnuucida baabuurtaani.
Liiska dheer ee wadamada qorsheynaya in ay mamnuucaan gawaadhida batroolka iyo naftada waxa horkacaya:
1. Denmark: waxa ay dooneysa in 2030’ka 1 milyan oo gawaarida korontada ku shaqeeysa laga isticmaalo wadanka.
2. UK: Waxay u badan tahay inay u beddesho yoolka ahaa2040’ka in la joojiyo isticmaalka gawaarida shidaalka balse hada waxa la arka in 2035 ay dhaqangeliso goaanka ah mamnuucida baabuurta shidaalka.
3. Netherlands: waxa ay gabi ahaanba mamnuceysa 2030 gawaarida shidaalka ama naftada kuwii hore ama kuwu cusub.
4. Germany: waxaa ay sameenaysa saacidaad dhanka Lacagta ah si ay u iibsadaan dadkeeda gawaarida korontada.
5. Iceland: waxa ay u ogolaanayan gawaarida shidaalka meelaha fog (baadiyaha) oo ay adagtahay in jaarjar laga helo.
6. Ireland: waxa ay dooneysa inay yeshaan 900,000 gawaarida korontada ah sanad 2030’ka.
Waxa sidoo kale jiraan wadamo leh yoolka ah 2030 in la mamnuuco gawaarida shidaalka waxana ka mid ah Israel oo joojineyso in losoo dhoofiyo halka France ay joojineyso 2040’ka Laakin Norway ayaa ah wadanka ugu goaanka adag waxayna joojinayan gawaarida shidaalka ku shaqeeya gabi ahaanba 2025.
Ugu danbeyn Baabuurta korantada ayaa ka qaalisan kuwa batroolka ama naftada, balse waxaa lagu wadaa in ay noqdaan kuwo la awoodi karo maadaama ay shirkadaha sameya gawaarida korontada kordhinayaan sameynta (production) si ay ugu hoggaansamaan shuruucda halka dowladuna ay kabto dhaqaalaha.
By: Yusuf Sodal
Arin wanagsan ayay ku dhaqaqeen, tana waxay hos u dhigaysa cimilaha aduunka ee si xumanaya
ReplyDeleteWaa arin loo bahan yhy, taso yaray naysa cimila sii xumanaya ee aduunka
ReplyDeleteWaaaw masha allah waa arin wanaagsan waxaq yaraanaayo qatqraha iyo halista ka dhashto shidaalka haddee ahaalaheed gubashada iyo qaraxyada
ReplyDelete