Dagaalka AI-da ayaa bilowday: DeepSeek vs ChatGPT; yaa guuleysan doona?
Maalmo yar ka dib markii la sii daayay, waxaan tijaabiyay DeepSeek R1 , kaas oo ah moodel cusub oo AI ah oo Shiinaha sameeyay, lana tartamaya ChatGPT. Hadaba Waa Maxay DeepSeek R1, waa moodel AI ah oo ay sameysay shirkadda cusub ee DeepSeek , taas oo uu aas aasay Liang Wenfeng sanadkii 2023. Liang wuxuu hore u maamulayay shirkad maalgashi oo isticmaalaysay AI si loo falanqeeyo xogaha dhaqaale. Hadda, kooxdiisu waxay diiradda saartaa cilmi-baarista AI. Maxaa Ka Dhigaya DeepSeek R1 Mid Gaar Ah? Qiimo Jaban , Waxaa lagu horumariyay oo kaliya $6 milyan, taas oo aad uga jaban ChatGPT, oo ku kacday boqolaal milyan oo doollar. Isha Furan (Open Source) , DeepSeek R1 waa mid qof walba isticmaali karo, wax ka beddeli karo, ama horumarin karo si bilaash ah. Dhanka kale, ChatGPT waxaa si gaar ah u maamusha shirkadda OpenAI. Awood Maskaxeed Oo Sare Aad buu ugu fiican yahay xallinta suaalaha xisaabta , barnaamijyada coding , iyo hannaanka falanqaynt...