Halista Balwada Sharadka Ciyaaraha
Sharadka ciyaaraha Online’ka (online sports betting) waxay aad ula mid noqotay sigaarka, ama kafeegga, taas oo haddii aad Isku daydo in aad joojiso ay adagtahay. Sharadkaan waa sida balwad in kastoo loo ekeysiiyay madadaalo.
Waa
maxay Sharadka Ciyaaraha?
Sharadka
ciyaaraha waxaa si fudud loogu qeexi karaa “waa marka aad lacag dul dhigto
natiijada dhacdo isboorti oo aad filayso inaad faa'iido samaynayso”. Sannadihii
u dambeeyay, qaybo badan oo ka mid ah wadamada soo koraya gaar ahaan wadamada
Afrika ee saxaraha ka hooseeya waxay la kulmeen koror aan hore loo arag oo ku yimid
shirkadaha khamaarka ee Online’ka.
Saameynta
1Xbet.
Somalia
waxa caan ka noqotay website’ka shirkadda la yiraahdo 1Xbet taaso iibiso
ciyaaro khamaar aad u badan sida sadaalinta isbortiska, ciyaarista games si
online ah, waxaa la aasaasay 2007 waxa ay ka diiwaan gashan tahay wadanka Qubrus.
1xbet
ayaa si aad ah u fududeesay in lacag lagu shubo lagana baxo taaso ka dhigtay
website ka ugu wayn Afrika ee iibiya ciyaaraha Khamaarka.
Dhalinyarada
ciyaarto sharadka waxa ay wadagaan calaamado qabatin ah oo ay ka mid yihiin: ka
been sheegidda balwadooda khamaarka, xatooyo si uu u khamaaro, shucuur kacsan, deyn
qaadasho, khamaartan ilaa ay lacagta ka dhamaato, ku waalan khamaarka, ma
joojin karo iyo kuwu kale oo badan.
Waxaa
cajiib ah, dhalinyarada ciyaarta sharadka oo aan la shekeystay ayaa inta badan
waxay ii sheegeen in lacagta ay ka helaan 1Xbet aysan cunin ehelkana u dirin
balse ay ku faladaan, shaxaad ahaan ay u bixiyaan kana dhigtaan lacag magaalo
joog ah.
Hadaba
waxyeelo ka wayn majirto inaad Aakhiradaadu haleyso, waxaad Allah ka galeysaa
danbi wayn oo waxad sameneyso wa khamaar. waxyeelada khamaarka maaha kaliya
inaad lumiso lacag, sidoo kale wuxuu saameyn ku yeelan kartaa isku kalsoonida,
xiriirka, caafimaadka jirka iyo maskaxda, waxqabadka shaqada, waxbarashada iyo
nolosha bulshada.
Ugu
danbeyn Islaamka dhexdiisa, khamaarka looma tixgalinayo inuu yahay ciyaar fudud
ama madadaalo aan macquul ahayn. Quraanku waxa si wada jir ah u xaraantinimeeyay
qamriga iyo khamaarka, isaga oo u aqoonsan labadaba cudur bulsheed kaas oo ah
mid la qabatimo oo burburiya nolosha qofka iyo qoyska.
By:
Yusuf Sodal
Allah haka madoobeeyo dhalinyarada
ReplyDeleteAllah hanago reebo dhalintena qamarka
ReplyDelete