Maxaad ka taqanaa Kooxda Coffin Dance ?

 

 Waxaa baraha bulshada qabsaday koox kasoo jeeda  magaalo xeebeedka Prampram ee dhacda gobolka wayn ee Accra ee wadanka Ghana kuwasoo qoob ka ciyaar ku sagootiyada meydka.

Kooxdaani waxaa la yiraahda  Nana Otafrija Pallbearing and Waiting Service balse waxa ay ku magac dheeryihiin Coffin Dance. Shaqadoodu waa qaadida sanduuqa meydka lagu rido si ay u geeyaan qabuuraha. Kooxdaan waxaa hogaan u ah Benjamin Aidoo, oo ah aas aasaha kooxdaan. Markii hore shaqadooda waxay ahayd kaliya qaadida sanduuqayada meydka balse mardanbe ayuu kusoo siyaadshay fakirka ah in qoob ka ciyaar lagu dul sameeyo sanduuqa uu ku jiro meyd taaso ah in aad bixiso qarash dheeri  ka ah qaadidadii waxayna soo shaac baxayn 2017 sida ay sheegtay BBC news.

April 2020 waxa ay noqdeen kooxdaan kuwu aad caan uga ah baraha sida Facebook, Twitter iyo Tiktok  sababtoo ah waxay noqdeen wax loo isticmaalo marka qof uu shil ama wax dhibaato ah ay gaarto  muqaalkooda waxaana la raaciyaa muusikada heesta Astronomi.

Coffin Dancers waxay sameeyeen fiidiyow ay dhawaan kaga mahadcelinayaan dhakhaatiirta iyo shaqaalaha adeegga caafimaadka sida ay ula dagaallamayaan cudurka 'coronavirus'. Wadooyinka waawayn ee wadanka Barasiil waxa lagu dhajiyay boorar oo ay ku sawiranyihiin kooxdaan waxaana ku qoran “Stay at Home or Dance With us”. Banjamin ayaa u sheegay wargeyska The Washington Post “Dadku waxay dhahaan, waxaan rabaa inaan guriga iska joogo halkii ay raggaasi i aasi lahaayeen”. Ugu danbeyn waxaad baraha bulshada ku arkeysaa shacbiyada ay yeesheen iyo sida ay u matalaaan dadka iyo shaqaalaha nuucyadooda kala duwan..

Fiiro GAAR AH: Qormadaan waxa sameeyay Tariikh: May 9, 2020, 12:41 PM

Comments

Popular posts from this blog

Dagaalka AI-da ayaa bilowday: DeepSeek vs ChatGPT; yaa guuleysan doona?

EVCPlus 10 sano iyo adeeg lacag la’aan ah kadib lacag miya laga dhigi?

Sanadkaani waxaa xajiyay tiro dhan 1,845,045 Ka Boggo xaqiiqooyinka ku saabsan Xajka 1444