Google waxa uu u dabaaldegaya Maalinta Haweenka 2022.

 

Shirkada Google ayaa si wayn ugu dabaaldageyso Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka (Maarso 8) waxa ay debaaldegooda ku miijinayan doorarka badan ee haweenku ka qaataan noloshooda min hooyo ilaa xirfadle.

Google Doodle maanta maaha sawir ama bog, laakiin waa muuqaal dhan, taasi oo lagu abaalmariyo doorarka kala duwan ee haweenku ka ciyaaraan, hooyo daryeelaysa caruurteeda iyadoo isku mar ka shaqaynaysa laptopkeeda; kalkaaliso iyo xitaa makaanik mootada wax baraysa inanteeda.

Markaad tagto boggaaga raadinta Google, waxaad arki doontaa calaamado yaryar oo u eg wejiyada haweenka ee ka soo jeeda qowmiyado kala duwan iyo asalyo kala duwan oo ku safan meesha ay guud ahaan sumadda Google ku fadhido korka goobta raadinta. Isku-xidhka ayaa Google ku qoray dhexda, iyo hal 'O' Google ah oo u eg globe. Dusha sare ee aduunka waxa yaala badhanka bilawga(play), kaas oo bilaabaya slideshow.

Bogga ugu horreeya wuxuu muujinayaa hooyo shaqeysa oo nuujinaysa ilmo dhashay, oo ilaalinaysa waxbarashada ubadkeeda kale, hadana wax ku qoreysa  laptop-ka.  Midda xigta waxay ku tusinaysaa dhakhaatiir dumar ah oo ku jira tiyaatarka qalliinka, Bogga saddexaad waxaan ku aragnaa haweeney xijaaban, iyadoo waraabinaysa dhirta daarada dhexdeeda oo ay ilaalinayso labadeeda gabdhood. Bogga afaraad waxa uu muujinayaa naag haysata aalad dhalaaliso ah, samaynaysa waxyaabo qurux badan oo hal abuur leh, iyada oo ag fadhida dabkeeda

Bogga shanaad waxa uu muujinayaa qof dumar ah oo ku dhex sugan harqaankeeda, waxay hagaajineysa nashqad labis cusub. Bogga lixaad waxa uu muujinayaa naag makaanik ah oo hagaajinaysa mooto. Midda toddobaad waa haweeney sawir qaade ah oo duurjoogta sawireyso, oo si deggan u fadhida meel kayn ah oo ka fog xayawaanka.

Doodle-ga quruxda badan waxaa sawirtay Agaasimaha Farshaxanka Doodle, Thoka Maer. Maalinta caalamiga ah ee haweenka ayaa sanad walba la xusaa 8-da Maarso. Waxa ay soo bilaabatay xuska maalintaani 1911.


Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Dagaalka AI-da ayaa bilowday: DeepSeek vs ChatGPT; yaa guuleysan doona?

EVCPlus 10 sano iyo adeeg lacag la’aan ah kadib lacag miya laga dhigi?

Sanadkaani waxaa xajiyay tiro dhan 1,845,045 Ka Boggo xaqiiqooyinka ku saabsan Xajka 1444