Kobaca iyo horumarka dhaqanka Kafee cabista ee Muqdishu.
Waxaa dunida aad ugu badan dadka subixi hore marki ay soo kacaan ama ay shaqo galayaan caba koob kulul oo coffee ah. Waxaanu leenahay dhaqan soo jireen oo ah subixii in guryaha iyo maqaayada laga sameeyo qaxwo balse hada waxa magalaada Muqdishu ka hirgalay maqaayado casri ah oo lagu iibiyo kafeega iyo cuntooyin kale oo leh dhadhan sare.
Maqaayadaha lagu iibiyo Kafeega waa kuwu aad loo naqshadeyay,
soo jiidasho iyo jawi degan leh kaliya looma tago in lagu cabo kafeega ee waa
meel ay dhalinyarada iyo qoysasku u sheeko tagaan sidoo kale looga hadlo arimo
ganacsi, waa goobo ku haboon nasasho qaarkood ayaana leh internet free ah.
Markii aad soo gasho gudaha maqayada waxa heleysa soo dhaweyn diiran, fadhi kadibna
buuga dalabaadka (Menu) Intabadan dalabka ayaa noqda Cappuccino, Caffe Macchiato, Espresso, Black Coffe,e Café Latte, Café
Americano, Iced Cappuccin,o Iyo Ristretto.
.
Maanta, kafeega waxaa lagu beeraa in ka badan 70
waddan oo kuleyl ah (Tropical countries), waxaana laga helaa meel walba, waana
badeecada labaad ee ugu dhoofinta badan adduunka marka laga reebo saliidda.
Wadamada ugu horeeya ee soo saara kafeega adduunka oo dhan waa Brazil, Vietnam,
iyo Colombia. Wadama ugu isticmaalka badan waa Finland, Noraway, Iceland,
Denmark iyo Netherland. Marka la iibsanayo kafeega, dadku guud ahaan waxay
eegaan saddex: Qiimaha, dhadhanka, iyo kan saddexaad, oo inta badan saameeya
doorashooyinka macaamiisha waa sumadaha.(Brand), shirkadaha ugu caansan ee
iibiya kafeega waxa ka mid ah Starbucks, Dunkin' Doughnuts, Costa Coffee iyo McCafé
Goobaha kafeega ayaa u noqonaya dhaqdhaqaaq dhaqaale
oo muhiim ah marka loo eego dakhli abuurista, shaqo abuurka, iyo dakhliga
cashuuraha, Dad aad iyo aad u tiro badan ayaa dakhligooda ku kharash gareeya
kafateeriyada iyo makhaayadaha cusub ee magaalada, kor u kaca isticmaalka
kafeega ayaa kaalin mug leh ka qaadanaya
Kobaca dhaqaalaha ee dalka, ganacsiga kafeega wuxuu leeyahay suuq aad u
weyn, waqti ka dib wuu sii kordhaya.
By: Yusuf Sodal
Xugtan muhiim ayee u tahay dadka aniga camal wana kugu faaiday aqrinteyda *qoraa Yuusuf) adigane wakaga mahad celina sida wacan nala wadagtay xoktaan 🙏🥰😇
ReplyDeleteMahadsnd
ReplyDeleteCabista cafee waxay u wanagsan thy cafimadka hadi sida logu tala galay loo cabo , waana bogadinaya qormada quruxda badan ee ad nala wadagtay @yusuf socdal
ReplyDeleteQaxwo kaa fiican Kafee
ReplyDelete