EVCPlus 10 sano iyo adeeg lacag la’aan ah kadib lacag miya laga dhigi?

S h irkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ah shirkada hogaamisa suuqa isgaarsiinta Soomaaliya ayaa u dabaaldageyso sanad guurada 10aad ee adeeggeeda EVC Plus (Electronic Virtual Cash). EVC plus oo ah adeeg u ogolaanaya macaamiisha Hormuud inay ku diraan kuna helaan lacag mobilkooda. Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya EVC Plus waxa uu ka yahay adeegyada ay bulshada iyo ganacsigooda maalinlaha ku tiirsanyihiin. Inta badan dhaqdhaqaaqyada ganacsi ayaa hadda adeegan u isticmaala habka lacag bixinta oo ay ku jiraan biilasha, biyaha, korontada, waxbarashada, caafimaadka, iyo gadiidka, waxaa si weyn u aqbalsan oo qaatay qaybaha kala duwan ee dadweynaha. Shirkada Hormuud ayaa inta badan u dirto fariin qoraallo macamiisheda taaso lagu ogeysiinayo qiima dhimis, ogeysiis adeegyo cusub, hambaliyeynta ciidaha ama dabbaaldeg sanad guuro adeeg oo ay shirkada leedahay, hadaba dhawaan shirkada Hormuud ayaa bilaawday u dabbaaldegista sanad guuradii 10aad ee Adeega EVC Plus. Fariinta dabbaaldega...