Sanadkaani waxaa xajiyay tiro dhan 1,845,045 Ka Boggo xaqiiqooyinka ku saabsan Xajka 1444
Xajka wa tiirka 5 aad ee tiirarka islaamka, xajka waxa uu ka dhaca magaalada barakeysan ee Makka, waxa uu socdaa 5 maalmood oo ka bilaabato 9 ka ilaa 13 bisha Dul Xaj (Carafo). Xajka waxa uu waajib ku yahay inu xajiyo qof walba oo muslim ah oo leh awood dhaqaale iyo caafimaad noloshiisa mar, waana hamiga ugu sareeyo ee uu leeyahay qofwalba oo muslim ah inta uu noolyahay. Hay’ada Isgaadhsiinta Caalamiga ah ee Sucuudiga ee losoo gaabiyo (CIC) aya waxa ay soo bandhigtay xogo kooban oo ku saabsan sida uu u qabsoomay xajka sanadkaan Aan ku bilowne sanadkaani waxaa xajiyay tiro dhan 1,845,045 ( Hal Milyan, Sideed boqol iyo Afartan shan kun iyo Afartan iyo shan qof) kuwaaso ka kala yimid 150 wadan. 1,660,915 xujey ah ayaa ka yimid caalamka, halka Sacuudiga dhexdiisa ay ka soo xajiyeen 184,130 qof. Waxa Rag ahaa sanadkaan 969,694 halka dumarkuna ay ahayeen 875,351 21% waxa ay kaso xajiyeen wadama Carabta, 63.5% waxa ay kaso xajiyeen wadamada Asia ee aan Car...