Posts

Showing posts from February, 2022

Halista Balwada Sharadka Ciyaaraha

Image
  Sharadka ciyaaraha Online’ka (online sports betting) waxay aad ula mid noqotay sigaarka, ama kafeegga, taas oo haddii aad Isku daydo in aad joojiso ay adagtahay. Sharadkaan waa sida balwad in kastoo loo ekeysiiyay madadaalo. Waa maxay Sharadka Ciyaaraha? Sharadka ciyaaraha waxaa si fudud loogu qeexi karaa “waa marka aad lacag dul dhigto natiijada dhacdo isboorti oo aad filayso inaad faa'iido samaynayso”. Sannadihii u dambeeyay, qaybo badan oo ka mid ah wadamada soo koraya gaar ahaan wadamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya waxay la kulmeen koror aan hore loo arag oo ku yimid shirkadaha khamaarka ee Online’ka. Saameynta 1Xbet. Somalia waxa caan ka noqotay website’ka shirkadda la yiraahdo 1Xbet taaso iibiso ciyaaro khamaar aad u badan sida sadaalinta isbortiska, ciyaarista games si online ah, waxaa la aasaasay 2007 waxa ay ka diiwaan gashan tahay wadanka Qubrus. 1xbet ayaa si aad ah u fududeesay in lacag lagu shubo lagana baxo taaso ka dhigtay website ka ugu wayn Afrika ee iibiya c...