Posts

Showing posts from January, 2022

Apple ayaa noqotay shirkaddii ugu horreysay ee adduun dhan 3 tiriliyan oo doolar samaysa.

Image
  Apple ayaa noqotay shirkaddii ugu horreysay abid ee sameysa 3 tiriliyan oo doolar, qiimaha Apple aad ayuu u cajiib badan yahay marka loo eego sida degdegga ah ee uu dhawaan u kobcay. Bishii Ogosto 2018, Apple waxay noqotay shirkaddii ugu horreysay ee Maraykan ah ee abid qiimaheedu dhan yahay $1 trillion, guushaas oo qaadatay 42 sano. Waxay kor u dhaaftay $2 trillion laba sano ka dib. Trillion-keeda xiga waxay qaadatay 16 bilood iyo 15 maalmood oo keliya. Usbuuci hore saamiyada shirkadu waxay kor u kacday boqolkiiba 3. $182.86, taasoo ka soo gudubtay heerkii ugu dambeeyay,$ 182.01. Apple oo ah shirkaddii ugu horreysay ee gaarta $3 trillion, ayaa kor u qaadday kalsoonida maalgashadayaasha ee ah in shirkadda iPhone samaysa ay sii wadi doonto soo saarista alaabada iibka badan, iyada oo sahaminaysa suuqyo cusub sida baabuurta iswada iyo virtual reality.   Apple ayaa si kooban u lumisay taajkeedi shirkadda ugu qiimaha badan adduunka dhamaadkii bishii Oktoobar 2021, laakiin bi...

Maxaad ka taqanaa Kooxda Coffin Dance ?

Image
    Waxaa baraha bulshada qabsaday koox kasoo jeeda   magaalo xeebeedka Prampram ee dhacda gobolka wayn ee Accra ee wadanka Ghana kuwasoo qoob ka ciyaar ku sagootiyada meydka. Kooxdaani waxaa la yiraahda   Nana Otafrija Pallbearing and Waiting Service balse waxa ay ku magac dheeryihiin Coffin Dance. Shaqadoodu waa qaadida sanduuqa meydka lagu rido si ay u geeyaan qabuuraha. Kooxdaan waxaa hogaan u ah Benjamin Aidoo, oo ah aas aasaha kooxdaan. Markii hore shaqadooda waxay ahayd kaliya qaadida sanduuqayada meydka balse mardanbe ayuu kusoo siyaadshay fakirka ah in qoob ka ciyaar lagu dul sameeyo sanduuqa uu ku jiro meyd taaso ah in aad bixiso qarash dheeri  ka ah qaadidadii waxayna soo shaac baxayn 2017 sida ay sheegtay BBC news. April 2020 waxa ay noqdeen kooxdaan kuwu aad caan uga ah baraha sida Facebook, Twitter iyo Tiktok  sababtoo ah waxay noqdeen wax loo isticmaalo marka qof uu shil ama wax dhibaato ah ay gaarto  muqaalkooda waxaana la raaciyaa...

Waa maxay sababta dunidu ay ugu mashquulsan tahay filimka caanka noqday ee Squid Game?

Image
Taxanaha SQUID GAME Kuuriyada Koonfureed ay soo saartay ayaa qabsaday xiisaha daawadayaasha adduunka oo dhan. Maalmo gudahood markii la siidaayay, filimka ayaa si dhaqsi ah ku noqday mid ka mid ah aflaanta aadka looga daawado Netflix. ‘Taxanihii ugu weyn abid’: Sidaasi Netflix ayaa ka tiri Game Squid. Filimkaani waxa uu soo baxay 17kii Sebtembar 2021. Madaxa fulinta ee Netflix  Ted Sarandos  ayaa yiri bishii hore, “Squid Game waxa la daawanayaa sagaal maalmood oo keliya, waana fursad aad u wanaagsan inuu noqdo taxanihii ugu weyn.” Waa maxay ciyaarta Squid? Maxay ku saabsan tahay? Kuwa aan aqoon, Squid Game  waa ciyaar ay ka qeybqaadanayaan boqolaal qof oo quus ka jooga lacag la’aan, waxa lagu amraya in ay ciyaaraan ciyaaro caruureed hadii aad ku guulesato waxaad heleysaa $38.31 Milyan, haddii lagaa badiyo ciyaarta, waad dhimanaysaa. Musalsalkaan ayaa markii hore loo soo saaray filim ahaan, laakiin markii dambe waxa loo beddelay taxane si ujeeddadiisu si fiican ugu habboon...