Posts

Showing posts from July, 2022

Maha Sir Mo Farah waa Sir Xuseen Cabdi Kaahin

Image
  Xiddigga Olombikada ayaa BBC-da u sheegay in ay u bixiyeen magaca Maxamed Faarax qolodi ka soo Kaso kaxeyeen Jabuuti ee keenay UK. Magaciisa dhabta ah waa Xuseen Cabdi Kaahin . Isaga oo sagaal jir ah ayaa laga soo duuliyay waddanka Jabuuti waxaana la geeyay UK, waxa ka shaqesay howshaasi haweenay aanu waligeed la kulmin, ka dibna waxa laga dhigay in uu daryeelo carruur qoys kale dhalayn, filim dokumentari ah oo ay diyaariyeen BBC-da iyo Red Bull Studios, oo lasii daayey Arbacadii, ayuu ku sheegay in waalidkii aanay waligood tagin UK, hooyadiis iyo laba walaalo ah ayaa ku nool beer qoyskooda oo ku taal gobolka waqooyi galbeed ee Soomaaliya. Aabihii, Cabdi, waxaa dhimashadiisu sababtay rasaas habow ah isagoo Sir Mo ahaa afar sano jir. Dhowrkii sano ee ugu horeysay qoysku uma oggolaan inuu aado iskuul, laakiin markuu ahaa 12 jir wuxuu iska diiwaan geliyay Feltham Community College. Shaqaalaha ayaana loo sheegay in Sir Mo uu ahaa qaxooti ka yimid Soomaaliya. Macallimadisii hore S...