Google waxa uu u dabaaldegaya Maalinta Haweenka 2022.
Shirkada Google ayaa si wayn ugu dabaaldageyso Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka (Maarso 8) waxa ay debaaldegooda ku miijinayan doorarka badan ee haweenku ka qaataan noloshooda min hooyo ilaa xirfadle. Google Doodle maanta maaha sawir ama bog, laakiin waa muuqaal dhan, taasi oo lagu abaalmariyo doorarka kala duwan ee haweenku ka ciyaaraan, hooyo daryeelaysa caruurteeda iyadoo isku mar ka shaqaynaysa laptopkeeda; kalkaaliso iyo xitaa makaanik mootada wax baraysa inanteeda. Markaad tagto boggaaga raadinta Google, waxaad arki doontaa calaamado yaryar oo u eg wejiyada haweenka ee ka soo jeeda qowmiyado kala duwan iyo asalyo kala duwan oo ku safan meesha ay guud ahaan sumadda Google ku fadhido korka goobta raadinta. Isku-xidhka ayaa Google ku qoray dhexda, iyo hal 'O' Google ah oo u eg globe. Dusha sare ee aduunka waxa yaala badhanka bilawga(play), kaas oo bilaabaya slideshow. Bogga ugu horreeya wuxuu muujinayaa hooyo shaqeysa oo nuujinaysa ilmo dhashay, oo ilaalinaysa waxbara...